Qaraxyo sababay dhimashada laba qof iyo burburka booyad Itoobiyaanka biyaha u dhaaminaysay oo saaka Beledweyne ka dhacay:
Fri.Jul.04,2008.
Beledweyne: Qaraxyadaan oo illaa iyo labo gaarayay ayaa waxaa ay saaka aroortii ka dheceen gudaha magaalada Beledweyne oo iyadu beryahaan aysan wax qaraxyo ahi ka dhicin tan iyo markii ay Ciidamada Cadowga ka bexeen halkaasi.
Waxaana inta illaa iyo hadda la ogyahay uu garayaa qasaaraha ay qaraxyadaasi geysteen waloow aan la xaqiijin karin dhimashada laba Gabdhood kuwaasoo uu qaraxu haleelay xilli ay adeeg u socdeen.
Waxaa kaloo jira gaari booyadla ahaa oo Itoobiyaanka biyaha loogu dhaamin jiray oo isna gebi’ahaanba uu qarax ka mid ah qaraxyadaasi burburiyay, kaasoo ay dadka qaar sheegayaan in qarxintiisa loo isticmaalay qoriga baasukaha loo yaraan, mana ahan markii ugu horeysay oo gaari Itoobiyaanka biyo u dhaaminayay lagu qarxiyo ama lagu weeraro gudaha magaalada Beledweyne.
Waxayna qaraxyadani ku soo beegamayaan xilli magaalada Beledweyne ama guud ahaan Gobalkaba aan niraahnee uusan wax maamul ah ka jirin marka laga reebo xoogaga Maxkamadaha oo iyagu mararka qaar amaanka suga, mana jirto cid sheegi karta halka uu ku dambeeyay ninkii isagu sheeganayay in uu Gobalka maamulo waloow ay jiraan warar sheegaya in uu Gaalkacyo haatan ku sugan yahay waxayna wararku intaa raacinayaan in uu halkaa u joogo sidii uu uga dhiifi lahaa islamarkaana uu magaalada London ee uu markiisii horeba ka yimid ugu noqon lahaa.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in Ciidamadii Cadowga ay shalay dib ugu soo laabteen fariisinkoodii ay Jentokundishe ku lahaayeen kagadaal markii ay soo joogi waayeen goobihii ay aadeen sida Guriceel iyo Matabaan halkaasoo ay kula kulmeen dagaal aad u culus qasaara lixaadlehna uu ka soo gaaray waloow ay ku faaneen in ay halkaas ay iyaga guusha ka soo raacday taasoo sida la wada ogyahay ah mid xaqiiqda ka fog.
Axmed Musse Mahad
Buurweyn.net
Beledweyne
axmedcaato10@hotmail.com