Dagaalkii Matabaan ka socday oo caawa iskiis u qaboobay iyo Itoobiyaanka oo dagaalkaas qasaare xoogani ka soo gaaray:
Tue.Jul.01,2008.
Hiiraan: Dagaalkii saaka ka bilowday inta u dhexeysa Jiirta Qabno iyo Matabaan ayaa gabaldhicii caawa iskii u qabooyay kaasoo qasaare lixaadle uu ka soo gaaray Ciidamada Cadowga islamarkaana looga gubay gawaarida dagaalka.
Dagaalka oo sida lagu soo warramayo ahaa mid aad u cuslaa oo labada dhinac oo dagaalamayana ay hubka culculus isu isticmaalayeen iyadoo dhawaqa rasaasta iyo daryanka madaafiicda laga maqlayay meelo ka fog goobta lagu dagaalamayay.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa sida uu wariyaheena inoo sheegay waxaa gaaray qasaare aad badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, tirada dhimashada illaa iyo hadda inta la ogyahay waxaa Ciidamada Cadowga dagaalka kaga dhintay 30-meeyo halka dhaawacuna uu intaa la badnaa.
Dhanka kale waxaa kaloo jira in Ciidamada Cadowga halkaasi looga gubay gawaarida dagaalka halka illaa iyo 3 gawaari nooca loo yaqaan uralkana halkaas looga qabsaday.
Qasaare ayaa sida la sheegayo Xoogaga isbiirsaday ee iyagu dagaalka la galay Ciidamada Cadowga laf ahaantooda halkaa ka soo gaaray iyagoo sida ay iyaguba sheegeen ay halkaa uga shaheedeen ku dhawaad 10 illaa iyo 8-na dhaawac uu ka soo gaaray waxayna intaa ku dareen in aysan iyagu qasaare u arkin dhimashada iyo dhaawaca dhinacooda soo gaara.
Dhanka kale lama oga sida ay Ciidamada Itoobiyaanka ugu suurto galeyso in ay halkaas ka baxaan maadaama sida la sheegayo ay xoogagii isbiirsaday ku gadaaman yihiin.
Waxaa xusid mudan in ay weli cabsidii laga qabay in magaalada Beledweyne uu dagaal weyni ku dhexmaro Ciidamada Itoobiyaanka oo laga yaabo in ay fariisimahoodii hore dib ugu soo noqdaan iyo Xoogaga isbiirsaday ee iyagu haatan magaalada gacanta ku haya kuwaasoo haatan difaac adag ka galay Jentokundishe iyo Kalabeyrka oo ay Ciidamada Cadowga hore u degganaayeen iyagoo wacadna ku maray in aysan marnaba u ogolaanayn in Ciidamada Gumeysiga dib ugu soo laabtaan fariisimihii ay hore u fadhiyeen.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in Xoogaga Maxkamadaha ay u suurto gashay in ay illaa iyo 4 jidgooyo ka qaadaan waddada dhexmarata Gudaha Gobalka Hiiraan kuwaasoo aad loogu dhibaateyn jiray dadka socotada ah.
Axmed Musse Mahad
Buurweyn.net
Beledweyne
axmedcaato10@hotmail.co