HOME

      Waxbarasho

      MAQAALLO

      ISLAM

      KEYDKA WARARKII

      NALASOO XIRIIR

     
     

     


AUDIO LINKS
BBC       11:00
BBC       14:00
BBC       18:00
VOA      17:00 GMT

 

SOMALI LINKS

Aayaha
Allbanaadir
Dayniile
Hiiraan
Kismaayonews
Onkod
Soomaalinews
Somalitalk
Shabelle
Qaadisiya

BOGAG ISLAAMI AH

Addacwah
Aflax
Altaqwaa
Benadir Islam
Boqolsoon
Quran
Islamonline
Learn about Islam
Risaala
Runta
Waano
Waaniye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ku xayeysiiso Ganacsigaaga Buurweyn.net waxa hubaal ah in aad   ku qanci doontid

Dagaal geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho:

 

Thu.Jul,17,2008.

 

Muqdisho: Dagaalkan ayaa bilowday kagadaal markii xoogaga Maxaakiimta ay dhowr meel oo Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Somaalida fariisimo ku lahaayeen weerar qorsheysan ku qaadeen, iyagoo markii hore weerarkooda ku bilaabay in ay hoobiyayaal ku tuuraan goobahaas kagadaalna ay si toos ah u weeraraan meelo ay ka mid ahaayeen Warshadii hore ee Baastada, Ceymiska, Carafaad, Towfiiq iyo Warshadii Xeyle bariise.

 

Dagaalkan oo socday qiyaastii illaa iyo laba saacadood ayaa waxaa uu geystay qasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray qolooyinkii dagaalamayay, inkastoo aan la ogayn qasaaraha dhabta ee labada dhinac soo kala gaaray ayaa haddana waxaa jia guulo ay labada dhinac kala sheeganayaan oo midkood uu sheegayo in uu midka kale qasaare u geystay.

 

Maxkamadaha oo iyagu sheegtay in ay iyaga weerarkaas ka dambeeyeen ayaa mar uu afhayeenkooda saxaafadda la hadlayay waxa uu sheegay in Ciidamadoodu ay dagaalkaas hadafkii ay ka lahaayeen ka gaareen sheegayna in jab lixaadle u geysteen Ciidamadii cadowga iyo kuwii la shaqeynayaba islamarkaana ay Ciidamadoodu la wareegeen isgoyska Towfiiq iyo Carafaad inkastoo ay markii dambe isaga tageen, wuxuuna intaa raaciyay in dhankooda qasaaraha soo gaaray uu gaarayo illaa iyo laba ka shahiiday iyo 3 dhaawac ah.

 

Dhanka kale waxaa isna dagaalkan in ay guul ka gaareen sheegtay nin u hadlayay Dowlad ku sheega wuxuuna ninkaasi saxaafada u sheegayay in kooxihii fariisimadooda soo weeraray ay Ciidamadoodu baacsadeen islamarkaana waa sida uu sheegaye ay kooxahaas ka dileen illaa iyo 25 halka illaa iyo 12 kalena ay dhaawacooda qaateen laakiin waxaa la yaab leh sida ay Ciidamo la ceyrsanayo dhaawacooda oo tobaneeyo gaaraya u qaadan karaan iyo weliba sida uu ninkaasi ku xisaabay dhaawacaas mar hadii sida uu sheegay qolyihii la ceyrsaday u suurto gashay in ay dhaawacooda qaataan.

 

Wuxuu kaloo ninkaasi intaa ku daray in ay hub isugu jira qoryaha fudfudud iyo kuwa culusba ay dagaalkaas ku qabsadeen isagoo weliba intaa raacinayay in ay xitaa dagaalka ku qabsadeen gaari dagaal inkastoo uusan noociisa sheegin.

 

Dagaalkii saaka ayaa ku soo beegmaya xilli maamihii ina dhaafay ay weerarada ka dhanka Ciidamada cadowga iyo kuwa la shaqeeyaba ku soo badanayeen dhammaan Gobalada ay Ciidamadani joogaan iyo xilli ay Xoogaga iyagu gumeysi diidka ah awoodoodu soo kordheyso waxaana taa tusaale u ah iyagoo si bareer ah u weerar Ciidamada Gumeysiga islamrkaana qasaare lixaadle u geysta.

 

Waxaa xusid mudan in maanta ay Ciidamada AMISOM ee gudaha Somaaliya ku sugan markii ugu horeysay Madaafiic tijaabiyeen si ay markii la soo weeraraba ay goobaha shacabku deggan yahay ugu garaacaan taasoo ay markii ugu dambeysay oo weerarka loo geystay ay xaafado dad rayid ahi deganaayeen  madaafiic ku garaaceen.

 

Xafiiska wararka

Buurweyn.net     


 

 

MAQAALLO

 

© Copyright   Buurweyn   All rights reserved