Xildhibaanada ka soo jeeda Gobalka Hiiraan oo xasuuqii Beledweyne ka dhacay ku eedeeyay xoogagii Itoobiyaanka la dagaalamay:
Tue.Jul.29,2008.
Baydhabo: Xildhibaanadan oo iyagu sheeganaya in ay reer Hiiraan u metelaan Baarlamanka Dowlad ku sheega Somaaliya ayaa maanta markii labaad ka hadlay xasuuqa ka dhacay Magaalada Beledweyne iyagoo hadalkooda ku soo bandhigay warsaxaafadeed uu mid iyaga ka mid ahaa saxaafadda u aqriyay.
Xildhibaanadan oo kala ahaa Ali Abdullahi Osoble, Asho Abdullahi Ise, Mohamed Hessein Rageh, Mohamed Hessein Addow iyo Zeinab Mohamed Amir ayaa iyagu marka aad u fiirsato hadalkooda waxaad isleedahay waxaa u rooneyd in aysanba hadlin maadaama waxa ay ku hadleen ahaayeen wax uu qofkii damiir lihi ka xumaado.
Ina Osoble oo isagu ahaa ninkii warsaxaafadeedkaas saxaafadda u aqriyanayay ayaa sheegay in haddii ay yihiin Xildhibaanada ka soo jeeda Gobalka Hiiraan ay aad uga xun yihiin xasuuqii iyo barakicii dhawaantan ka dhacay magaalada Beledweyne islamarkaana ay si wadajir ah arrintaas ugu eedeynayaan kooxihii sheeganayay in ay Gobalka u dhasheen ee iyagu weerarka soo qaaday isagoo aan marnaba magacaabin Ciidamada Cadowga ee iyagu ahaa kuwii madaafiicda ku garaacay goobaha ay dadka rayidka ahi degganaayeen.
Dhanka kale waxaa ay sidoo kale xasuuqaas ku eedeeyeen xukuumadda Nur Cadde oo ay ku tilmaameen mid ka gaabisay in ay wax ka qabato xaaladda murugsan ee Gobalka ka jirta.
Xildhibanadan oo ay ku habooneyd in aysan arrintaan ka hadlin ayaa si ula kac ah uga leexday xaqiiqda dhabta ah maadaama uu midkoodna awoodi waayey in uu eedda cidda leh dusha kaga tuuro iyadoo sida la wada og yahay uu magaalada burbur weyn soo gaaray islamarkaana illaa hadda aysan wax ganacsi ah ka jirin iyo weliba maalintii shalay ahayd ee ugu dambeysay webiga magaalada laga helay meydka dhalinyaro ay Itoobiyaanku nolol ku qabeen kuwaasoo inta ay dileen kagadaalna webiga ku tuureen.
Waxaa xusid mudan in qoladan isku tilmaantay in ay Gobalka Hiiraan metelaan ay Dowladda Itoobiya markoodii horeba meesha keensatay taas ayaana ku qasbeysa in ay xaqiiqda dhabta ka leexdaan oo aysan marnaba magacaabin Ciidamadii xasuuqa halkaa ka geystay iyagoo ka cabsi qabo in loo arko in ay Itoobiya ku caasiyeen.
Xafiiska wararka
Buurweyn.net