HOME

      Waxbarasho

      MAQAALLO

      ISLAM

      KEYDKA WARARKII

      NALASOO XIRIIR

     
     

     


AUDIO LINKS
BBC       11:00
BBC       14:00
BBC       18:00
VOA      17:00 GMT

 

SOMALI LINKS

Aayaha
Allbanaadir
Dayniile
Hiiraan
Kismaayonews
Onkod
Soomaalinews
Somalitalk
Shabelle
Qaadisiya

BOGAG ISLAAMI AH

Addacwah
Aflax
Altaqwaa
Benadir Islam
Boqolsoon
Quran
Islamonline
Learn about Islam
Risaala
Runta
Waano
Waaniye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ku xayeysiiso Ganacsigaaga Buurweyn.net waxa hubaal ah in aad   ku qanci doontid

Dagaal laga cabsi qabo in uu Beledweyne ka dhaco kagadaal markii Ciidamo Itoobiyaan oo gurmad ahi soo gaareen duleedka magaalada:

 

Wed.Jul.16,2008.

 

Beledweyne: Dadaaladii ay beryahaanba wadeen odayaasha Gobalka Hiiraan ayaa u muuqanaya kuwa fahsil ku dhamaaday kagadaal markii ay Ciidamo horleh oo Itoobiyaan ahi ay soo gaareen duleedka magaalada Beledweyne kuwaasoo sida lagu soo warramayo ku hubeysnaa gawaarida dagaalka una yimid halkaa sidii ay garab u siin lahaayeen Ciidamadooda hore halkaa u joogay.

 

Ciidamadan cusub ee Jentokundishe soo gaaray ayaa imaanshiyahooda waxaa uu ku soo beegmayaa xilli habeenkii xalay ahaa ay xoogaga isbiirsaday hoobiyayaal halkaasi ku weerareen iyo xilli uu jiray dadaal ay odayaasha degaanku wadeen oo lagu doonayay in lagu baajiyo dagaal magaalada gudaheeda ku dhexmara Ciidamada Cadowga iyo xooogaga isbiirsaday ee iyagu beryahaanba magaalada dhaqdhaqaaqa ka waday.

 

Waxaa kaloo jirta in Ciidamadani ay saaka hakad geliyeen isticmaalka waddooyinka siku xira magaalada Beledweyne iyo degaanada ku xeeran qaarkood inkastoo aan la ogayn sababta ay waddooyinkan u xannibeen ayaa haddana waxaa arrintani lagu macneeyay mid ay rabaan in ay ku ogaadaan halka laga soo weeraro iyo mid ay rabaan in ay ku kontoroolaan dhaqdhaqaaqa dadka iyagu isticmaala waddooyinkaas waxaana jirta gawaari weli ku xayiran goobihii  ay ka ambabixi jireen.

 

Inkastoo aysan Ciidamada Itoobiyaanku weli magaalada gudaha u soo gelin ayaa dhanka kale waxaa ay arrintani meesha ka saareysaa dadaaladii lagu doonayay in looga hortago dagaal ka dhaca magaalada gudeheeda kuwaasoo ay wadeen odayaasha degaanka si loo joojiyo barakaca baahsan ee magaalada ka jira iyo weliba sidii kuwa hore u barakacay magaalada loogu soo celin lahaa.

 

Waxaa xusid mudan in arrintani cabsi horleh ku abuurtay dadka fara ku tiriska ah ee iyagu magaalada ku haray kuwaasoo rajo ka qabay in uu baaqdo dagaal magaalada ku dhexmaro labada dhinac maadaama labada dhinacba isu qalab aruursanayaan.

 

Dhanka kale waxaa xusid mudan marka laga reebo buurta Jentokundishe in Gobalka Hiiraan intiisa kale ay gacanta ku hayaan xoogaga isbiirsaday ee iyagu har iyo habeen u taagan sidii ay gumeysiga waddanka uga saari lahaayeen. 

 

Ahmed Musse Mahad

Buurweyn.net

Beledweyne

axmedcaato10@hotmail.com


 

 

MAQAALLO

 

© Copyright   Buurweyn   All rights reserved