HOME

      Waxbarasho

      MAQAALLO

      ISLAM

      KEYDKA WARARKII

      NALASOO XIRIIR

     
     

     


AUDIO LINKS
BBC       11:00
BBC       14:00
BBC       18:00
VOA      17:00 GMT

 

SOMALI LINKS

Aayaha
Allbanaadir
Dayniile
Hiiraan
Kismaayonews
Onkod
Soomaalinews
Somalitalk
Shabelle
Qaadisiya

BOGAG ISLAAMI AH

Addacwah
Aflax
Altaqwaa
Benadir Islam
Boqolsoon
Quran
Islamonline
Learn about Islam
Risaala
Runta
Waano
Waaniye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ku xayeysiiso Ganacsigaaga Buurweyn.net waxa hubaal ah in aad   ku qanci doontid

Hoobiyayaal caawa fiidkii lagu weeraray Ciidamada Itoobiyaanka ee fadhigoodu yahay Buurto Jentokundishe ee Gobalka Hiiraan:

 

Tue.Jul.15,2008.

 

Beledweyne: Iyadoo ay beryahaanba jireen dadaalo lagu doonayay in lagu hakiyo dagaal magaalada Beledweyne gudeheeda ku dhexmara Ciidamada Cadowga iyo Ciidamada Maxkamadaha ee iyagu gudaha magaalada ku sugnaa ayaa waxaa caawa fiidkii dhowr hoobiye lagu tuuray halka ay Ciidamada Itoobiyaanku deggan yihiin.

 

Inkastoo aan la ogayn qasaaraha Ciidamada Itoobiyaanka weerarkaasi ka soo gaaray ayaa haddana waxaa jira warar sheegaya in illaa iyo lix hoobiye ay ku dheceen kuna qarxeen goobtii lala damacsanaa waxayna dadka sheegeen in ay arakayeen qiiq madow oo cirka isku shareeray qaraxa kagadaal dhanka kale waxaa jiray in Itoobiyaankuna ay madaafiic ku jawaabeen waloow aan illaa iyo hadda la ogayn in ay dad rayid ah wax gaarsiiyeen iyo in kale.

 

Weerarkana caawa lagu qaaday halka Ciidamada cadawgu deggan yihiin ayaa noqonaya kii labaad oo noocaan ah muddo todobaad gudohood ah lagu qaado fariisimada ay Ciidamada cadawgu ku leeyihiin jentokundishe.

 

Weerarkaan caawa lagu qaaday fariisimada Ciidamada Itoobiyaanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xaagagii Maxkamadaha ee iyagu beryahaanba magaalada Beledweyne gacanta ku hayay isaga bexeen xarumihii ay magaalada ka deganaayeen kagadaal markii ay wada hadleen iyaga iyo odayaasha dhaqanka kadibna ay isku afgarteen in ay magaalada isaga baxaan si loo baajiyo dagaal ka dhaca gudaha magaalada.

 

Dhanka kale waxaa jirtay in oday dhaqameedyadu ay sidoo kale kulamo la qaateen saraakiisha waddanka ku soo duulay ee iyagu ku sugan buurta Jentokundishe kuwaasoo si jeesjees ah odayaasha ugu sheegay in ay madfac ku dhufanayaan gaarigii isku daya in uu bartooda kontarol dhinac maro.

 

Axmed Musse Mahad

Buurweyn.net

Beledweyne

axmedcaato10@hotmail.com


 

 

MAQAALLO

 

© Copyright   Buurweyn   All rights reserved