HOME

      Waxbarasho

      MAQAALLO

      ISLAM

      KEYDKA WARARKII

      NALASOO XIRIIR

     
     

     


AUDIO LINKS
BBC       11:00
BBC       14:00
BBC       18:00
VOA      17:00 GMT

 

SOMALI LINKS

Aayaha
Allbanaadir
Dayniile
Hiiraan
Kismaayonews
Onkod
Soomaalinews
Somalitalk
Shabelle
Qaadisiya

BOGAG ISLAAMI AH

Addacwah
Aflax
Altaqwaa
Benadir Islam
Boqolsoon
Quran
Islamonline
Learn about Islam
Risaala
Runta
Waano
Waaniye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ku xayeysiiso Ganacsigaaga Buurweyn.net waxa hubaal ah in aad   ku qanci doontid

Nuur Cadde oo xilkii Guddoomiyenimo ka qaaday Maxamed Dheere oo ahaa ninkii sida kalgacalka ahayd danaha Itoobiya u fulin jirey:

 

Tue.Jul.29,2008

 

Muqdisho: Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Dowlad Ku sheegga Somaaliya ayaa maanta xilkii looga qaaday Maxamed Dheere oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir islamarkaana ahaa duqa Magaalada.

 

Wareegtadaan oo uu saxaafadda u aqriyay Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa soo baxday kagadaal kulan ay maanta golaha wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho kaasoo uu shir guddoominayay Nuur Cadde islamarkaana isla garteen in ay lagama maarmaan tahay in ay Maxamed Dheere xilka ka qaadaan iyagoo si ku meelgaar ahna xilkaas ugu dhiibeen Maxamed Cismaan “Dhaxaxtuur” oo isagu hore u ahaa ku xigeenka Maxamed Dheere.

 

Sida wararka badankood lagu sheegay xil ka qaadistani waxaa ay la xiriirtaa eedeymo badan oo ka dhan ahaa Maxamed Dheere tan iyo markii xilka loo magacaabay sida in uu si xun u isticmaalay ama lunsaday dhaqaalihii Gobalka loogu tagalay, awood sheegasho iyo weliba isagoo si aan wanaagsanayn ula dhaqmayay dadka isaga la shaqeynayay taasoo keentay qilaaf xoogan oo kala dhexgala isaga iyo xubnihii maamulka kala shaqeynayay.

 

Dhanka kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in xil ka qaadistaani timid kagadaal markii uu wasiirka amniga qaranka iyo arrimaha gudaha codsi uu u gudbiyay Nuur Cadde kaga codsaday in uu xilka Maxamed Dheere ka qaado isagoo sida la sheegay u arkayay in uusan xilkaas u qalmin ahayna nin xilka intaa la’eg qaadi kara.

 

Waxaa xusid mudan in xil ka qaadistaan Maxamed Dheere lagu sameeyay uusan Cabdullaahi Yuusuf ku faraxsaneyn isagoo sida la filayo caawa kulan la qaadan doono xubno ka tirsan maamulkii uu Maxamed Dheere horkacayay.

 

Waxaa kaloo jirtay wareegto kale oo isla maanta ka soo baxday xafiiska Nuur Cadde oo iyadana lagu magacaabay guddi ka kooban illaa iyo 12 xubnood oo sida wareegtadaas lagu sheegay ka shaqeyn doona sidii maamul ay dadka reer Banaadir u soo dooran lahaayeen islamarkaana Maxamed Dheere ku amreysay in wixii dhaqaale ahaa ee uu Gobalka u hayay ku wareejiyo Dhagaxtuur.

 

Waxaana Maxamed Dheere uu ahaa nin si fiican ugu shaqeynayay danaha Itoobiya ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambeysa xil ka qaadistiisa iyadoo sida la wada ogyahay ay Itoobiyaanku nin kasta markii ay danheeda ka dhameysato iska tuurto oo xilkii ka qaado amaba xirto, waxaana hadalii ugu weynaa ee Maxamed dheere lagu xusuusto ahaa Itoobiyaanka caano iyo biyo ayaan ka daba qaadeynaa.

 

Xafiiska wararka

Buurweyn.net

 


 

 

MAQAALLO

 

© Copyright   Buurweyn   All rights reserved