Dagaal Maxkamadaha iyo Itoobiyaanka Beledweyne ku dhexmaray iyo Itoobiyaanka oo Galbeedka Magaalada BM ku garaacaya:
Thu.Jul.24,2008.
Beledweyne: Dadka yar ee fara ku tiriska ahaa ee magaalada Beledweyne ku harsanaa ayaa waxaa ay saaka ku soo tooseen Ciidamadii Itoobiyaanka ee Jentokundishe ku sugnaa oo qaarkood magaalada gudaha u soo galeen kuwaasoo qeybo badan oo magaalada ka mid ah ku sugnaa.
Waxaana islamarkiiba bilowday dagaal u dhexeeyay tiro yar oo Muqaawamada ka mid ahayd oo iyagu difaac ka galay aaga buundo Liiqliiqato iyo Ciidamadii Cadowga ee iyagu magaalada soo galay kuwaasoo isku dayay in ay xoog ku maraan halkaas.
Dagaalka oo haatan yara istaagay ayaa waxaa daba socday Madaafiicda BM-ka loo yaqaan oo ay si arxandarra ah Ciidamada Itoobiyaanka ugu garaacayeen illaa iyo haddana ku garaacayaan goobaha ay dadka rayidka ahi deggan yihiin waxayna si qaas ah BM-ka ugu garaacayaan magaalada dhankeeda galbeed kuwaasoo geystay qasaare naf iyo maalba leh.
Qasaaraha inta illaa iyo hadda la ogyahay waxaa uu gaarayaa dhimashada illaa 8 qofood halka aan illaa iyo hadda la qiyaasi karin tirada dhaawaca ah waxaana dhici karta in tirada dhimashada intaasi ka badato maadaama uu jiro burbur baaxad leh oo soo gaaray guryo badan oo dad rayid ahi degganaayeen kuwaasoo aan illaa iyo hadda la ogayn in ay guryahooda ku sugnaayeen xilligii ay madaafiicdu ku habsanaysay.
Dhanka kale waxaa jirta in magaalada dhankeeda galbeed qaasatan xaafadda Howlwadaag uu burbur lixaad lihi ka muuqdo iyadoo illaa iyo haddana ay madaafiicdu ku socoto lamana oga sababta keentay in dhinacaan oo kaliya BM lagu garaaco waloow sida la wada ogyahay ay Itoobiyaanku marwalba sidan oo kale sameeyaan iyagoo dad meel wada deggan kuwana la dagaala kuwa kalena ku yiraahda waxba idin yeelimeyno haddii aad nala shaqeysaan.
Dhanka kale waxaa jira shaki ah in Ciidamada Itoobiyaanka aysan magaalada iska soo gelin oo la hagayay amaba loo rufyaanayay si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa muqaawamada ama uga diktoonaadaan qatar iyaga ku timaada waxaana jirtay in ku dhawaad laba usbuuc ka hor ay Maxkamaduhu xukun dil ah ku fuliyeen niman sida sheegeen u rufyaanyay Ciidamada Cadowga.
Soo gelitaanka Ciidamada Cadowga ayaa ku soo beegmaya xilli ay Odayaasha magaalada ka codsadeen Xoogagii Maxkamadaha ee iyagu ku sugnaa gudaha magaalada in ay magaalada isaga baxaan si bay yiraahdeen loo baajiyo dagaal meesha ka dhaca kuwaasoo cosdigaas aqbalay islamarkaana isaga baxay magaalada iyo xilli maalintii shalay ahayd waraaqo digniin ah oo odayaasha ku socday lagu daadiyay qeybo ka mid ah magaalada taasoo looga shaki qabo in ay sameeyeen kuwa Itoobiyaanka la shaqeeya maadaama ay Maxkamadahu sheegeen in aysan wax shaqo ah ku lahayn arrinkaas.
Waxaana xusid mudan in Ciidamada Itoobiyaanka ay haatan ku sugan yihiin dhamaan dhismayaashii magaalada laga maamulayay sida xaruntii maamulka gobalka iyo weliba Saldhigga magaalada iyagoo welba halkaasi ugu xiran yihiin dhowr ganacsato ah oo ay saaka qabqabteen mana jiro wax dhaqdhaqaaq ganacsi ama gaadiid ah oo haatan magaalada gudaheeda ka socda.
Ahmed Musse Mahad
Buurweyn.net
Beledweyne
axmedcaato10@hotmail.com