|
|

Ku xayeysiiso Ganacsigaaga Buurweyn.net waxa hubaal ah in aad ku qanci doontid
|
Illaa iyo tobaneeyo Wasiir oo iyagu isku maleeyay in ay umadda xil u hayeen oo maanta sheegay in ay xilalkoodii iska casileen:
Sat.Aug.02,2008.
Muqdisho: Iscasilaada ay maanta ku dhawaaqeen wasiiradan iyagu ka tirsanaa xukuumad ku sheegga Nuur Adde ayaan ahayn wax ku cusub siyaasadda Somaaliya tan iyo markii uu Gen. Gabre la wareegay gacan ku heynta Somaaliya.
Waxayna arintani sii hurineysaa qilaafka haatan sida aadka ah u soo shaac baxay ee u dhexeeya labada nin ee iyagu ugu sarreeya kuwa Gen. Gabre amarka ka qaata waa Abdullaahi Yusuf iyo Nur Adde taa waxaa daliil u ah wasiiradan oo markoodii horeba qaab qabiil ku dhisnaa in ay is casilaan uun illaa iyo 10 wasiir oo aan Nuur Adde ku heyb ahayn kuwaasoo sida muuqata la saftay Abdullaahi Yuusuf kagadaal markii uu sida la sheegayo ka xanaaqay xil ku sheegii Mohamed Dheere maalin dhaweyd laga qaaday.
Wasiirada is casilay ayaa waxaa ku andacoonayaan in Nuur Adde uu sharcigii ku tuntay waaba haddii uu jiree islamarkaana awood sheegasho sameeyay kagadaal markii sida ay yiraahdeen uu xilka ka qaaday Mohamed Dheere isagoo aan iyaga kala tashan.
Waxayna kala yihiin wasiirada is casilay:-
1 - Ceydiid C/llaahi Ilka Xanaf - Ra’isal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Waxbarasahada, Hiddaha iyo dhaqanka.
2 - Cali Axmed Jaamac Jengeli - Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
3 - C/risaaq Ashkir Cabdi - Wasiirka Dib u heshiisiinta, Horumarinta Goballada iyo Arrimaha Federaaliga.
4 - Cabdi Maxamed Tarrax - Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.
5 - Carab Cali Diiriye - Wasiirka Dib u heshiisiinta, horumarinta Gobolada iyo Arrimaha Federaalka.
6 - Khadiijo Maxamed Diiriye - Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
7 - Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim - Wasiirka Gaashaandhigga.
8 - Maxamed Cali Saalax - Wasiirka Macdanta iyo Tamarta.
9 - Xusseen Ceelabe Faahiye - Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska.
10 - Saalim Caliyow Ibrow - Ra’isal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Garsoorka.
Ceydiid Ilka xanaf oo isagu ka mid ah wasiirada is casilay ayaa saxaafadda ku wargeliyay in ay xafiiska Nuur Adde u gudbiyeen waraaqdii ay uga dalbanayeen in uu isa casilaadooda aqbalo taasoo uu markii dambe Nuur Adde beeniyay islamarkaana sheegay in uu maqlayay guux beryahaanba dhegihiisa ku soo dhacayay oo sheegayay in ay jiraan wasiiro raba in ay xilalkooda iska casilaan balse aysan jirin cid xafiiskiisa warqad u soo gudbisay.
Wuxuu kaloo intaa ku daray in hadalada qaar ay sheegayeen in uu isaga lafahaantiisa in casili doono taasna uu waxba kama jiraan ku tilmaamay lana arki doonee in uu meesha sii joogi doono iyo in uu waddadii Geedi mari doono maadaama ay is casilaada wasiiradani ku soo beegmeyso xilli ay 32 ka mid ah xildhibaanada Baarlaman ku sheegga mooshin isaga ka dhan ah ay maanta Baarlaman ku sheegga horgeynayaan.
Xafiiska wararka
Buurweyn.net |