HOME

      Waxbarasho

      MAQAALLO

      ISLAM

      KEYDKA WARARKII

      NALASOO XIRIIR

     
     

     


AUDIO LINKS
BBC       11:00
BBC       14:00
BBC       18:00
VOA      17:00 GMT

 

SOMALI LINKS

Aayaha
Allbanaadir
Dayniile
Hiiraan
Kismaayonews
Onkod
Soomaalinews
Somalitalk
Shabelle
Qaadisiya

BOGAG ISLAAMI AH

Addacwah
Aflax
Altaqwaa
Benadir Islam
Boqolsoon
Quran
Islamonline
Learn about Islam
Risaala
Runta
Waano
Waaniye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ku xayeysiiso Ganacsigaaga Buurweyn.net waxa hubaal ah in aad   ku qanci doontid

Garabka Asmara oo galabta Sheikh Hassan Dahir Aweys u magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Isbaheysiga Dib u Xureynta:

 

Tue.Jil.22,2008.

 

Asmara: Waxaa galabta si dhab ah u soo if-baxay in qilaafkii soo kala dhex galay xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Somaaliya uusan weli dhammaan kagadaal markii ay garabka Asmara  magacaawdeen Guddoomiyeyaal cusub taasoo si rasmi ah ururka uga dhigeysa kuwa laba garab u kala qeybsan maadaama ay weli xilkii sheeganayaan labadii Guddoomiye ee hore u magacaawnaa.

 

Waxayna garabka Asmara kalfadhigoodii ay maanta soo gabagabeeyeen ku magacaabeen Guddoomiye cusub waxayna jegadaas u magacaabeen Sheikh Hassan Dahir oo isagu ahaa ninkii sida aadka ah uga soo horjeestay shirkii Jebuuti horena u ahaa Guddoomiyihii Golaha Shuurada ee Maxkamadihii Islaamiga taasoo wixii maanta ka dambeeya Ururka Isbaheysiga ka dhigeysa urur laba Guddoomiye leh.

 

Dhanka kale waxay garabka Asmara kalfadhigaas sidoo kale ku magacaabeen Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyadoo uu weli jegadaasi hayo Shariif Hassan waxayna Guddoomiye cusub u magacaabeen ninka lagu magacaabo Shariif Ali oo isna hore uga tirsanaan jiray xildhibaanada Baarlamanka Dowlad ku sheegga.

 

Waxayna arrintani timid kagadaal markii uu magaalada Asmara maalintii Dorraad ahayd ku noqday Dr. Omar Imaan iyo wefdigii uu hoggaaminayay kuwaasoo dib uga soo laabtay magaalada Sanca ee dalkaasi Yemen halkaasoo ay kulan lagu waday in qilaafka Isbaheysiga ka dhexdilaacay lagu xalliyo kula yeesheen garabka kale ee iyagu shirkii Jebuuti ka qeyb galay.

 

Waxaa xusid mudan in kulankaas Sanca ka dhacay u muuqday mid laysku afgartay taasoo ay weliba caddeeyeen qaar ka mid ahaa xubnihii iyagu kulankaas ka qeyb galay laakiin waxaa muuqata in aysan arrintu sidii la rabay noqon oo qilaafkii uu meeshiisii ka sii socday, waxaaana jira warar sheegaya in Dr. Omar imaan markii uu Asmara ku noqday lagu diiday qodobadii ay garabka Jebuuti isla meel dhigeen taasoo ay dadka qaar ku macneeyeen in ay ka timid Dowladda Eritrea oo ay martida u yihiin.

 

Inkatoo aysan weli ka hadlin Guddoomiyayaasha labada garab haddii ay noqon lahaayeen kuwa maanta la magacaabay iyo kuwa xilka hore u hayayba ayaa haddana waxaa arinta mid lala yaabo ku tilmaamay nin u hadlayay garabka Jebuuti isagoo weliba rajo ka qaba in qilaafka la dhameyn doono.

 

Xafiiska wararka

Buurweyn.net


 

 

MAQAALLO

 

© Copyright   Buurweyn   All rights reserved