HOME

      Waxbarasho

      MAQAALLO

      ISLAM

      KEYDKA WARARKII

      NALASOO XIRIIR

     
     

     


AUDIO LINKS
BBC       11:00
BBC       14:00
BBC       18:00
VOA      17:00 GMT

 

SOMALI LINKS

Aayaha
Allbanaadir
Dayniile
Hiiraan
Kismaayonews
Onkod
Soomaalinews
Somalitalk
Shabelle
Qaadisiya

BOGAG ISLAAMI AH

Addacwah
Aflax
Altaqwaa
Benadir Islam
Boqolsoon
Quran
Islamonline
Learn about Islam
Risaala
Runta
Waano
Waaniye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ku xayeysiiso Ganacsigaaga Buurweyn.net waxa hubaal ah in aad   ku qanci doontid

Ciidamada Maxkamadaha oo saaka aroortii Ciidamada Cadowga laba gaari kaga gubay meel u dhaw degaanka Jawiil ee Gobalka Hiiraan:

 

Sat.Jul.o5,2008.

 

Jawiil: Ciidamada Maxkamadaha ayaa waxaa ay saaka aroortii weerar gaadma ku qaadeen kolonyo baabuur ah oo ay Ciidamada Cadawgu wateen kuwaasoo ka soo ka yimid dhanka Jentokundishe kuna sii jeeday degaanka Feerfeer ee is maamulka Somaalida Itoobiya.

 

Ciidamadan oo sida la sheegayo watey illaa iyo 8 gaari oo nooca Uralka loo yaqaan ah ayaa waxaa ay saaka aroortii ka soo kicitimeen Jemtokundishe waxayna ku sii jeedeen dhanka Itoobiya kuwaasoo weerar gaadma ah loogu geystay meel aysan filaneyn oo ku dhaw degaanka Feerfeer kadib markii ay Kalabayrka dhaafeen.

 

Dagaalkan ay Maxkamaduhu sida gaadmada ah ugu qaadeen Ciidamada Cadowga ayaa waxa uu socday muddo 30 daqiiqo ah wuxuuna afhayeen Maxkamadaha u hadlayay sheegay in markii ay xabbada billaabeen ay kolonyadii baabuurta ahayd laba u kala qeybsameen kagadaalna ay laba gaari oo ka mid ahaa kuwii gadaal u haray iyo Ciidankii saarnaaba ay halkaas ku burburiyeen islmarkaana uu burburkoodi weli meesha yaallo.

 

Wuxuuna afhayeenku intaa ku daray in aysan jirin wax qasaara ah oo dhankooda soo gaaray isagoo weliba sheegay in gawaaridaasi badankood lagu daad gureynayay meydadka iyo dhaawacyadii askartii Itoobiyaanka ee dagaalkii Matabaan iyo Guriceel ku waxyeeloobay.

 

Dhanka kale magaalada Beledweyne waxaa weli gacanta ku haya xaagaga Maxaakiimta kuwaasoo iyagu suga amaanka magaalada, waxaana jirta inkastoo aan la hubin waxa keenay qarax ka dhacay goob Internedka oo magaalada ku taal waloow lagu tuhmayo in Ciidamada Cadawgu soo tuureen halkaas.

 

Waxaa xusid mudan in weerarkan saaka aroortii Ciidamada Itoobiya loogu geystay halkaa uu ku soo beegmayo xilli maalmihii ina dhaafay uu dagaal ba'ani ku dhexmaray qeybo ka mid ah Goballada Galgaduud iyo Hiiraan Ciidamada Cadowga iyo Xoogaga isbiirsaday qasaare ba'anna Itoobiyaanka la gaarsiiyay iyo xilli maalintii shalay ahayd ay Xoogaga Alshabaab ugu baaqeen shacabka in ay magaalada isaga guuraan haddii ay Itoobiyaanka isku dayaan in ay magaalada gudaha u soo galaan maadaama aysan taa aqbalayn islamarkaana la dagaali doonaan.

 

Axmed Musse Mahad

Buurweyn.net

Beledweyne

axmedcaato10@hotmail.com

 

 


 

 

MAQAALLO

 

© Copyright   Buurweyn   All rights reserved